Waxaa Akhrisatay :1132
Warar maanta soo baxay ayaa sheegay in macalinka kooxda Santos ee wadanka Brazil Ramalho uu doonayo inuu soo iibsado ciyaaryahanada reer Brazil ee u kala ciyaaraha kooxaha Real Madrid iyo Ac Milan ee kala ah Ricardo Kaka iyo Robinho.
Ramalho ayaa cadeeyay sida uu u doonayo inuu inuu kooxdiisa kusoo biiriyo ciyaartoyda reer brazil waxa uuna yiri ” waxaa macquul inaan heshiis lasoo saxiixano Robinho,Kaka iyo Deco laacibka kooxda Atlec Madrid, waa laacibiin wanaasagn, maalmaha soo socda waxaan eegi doona dhaqaalaha ku baxaya”
isaga oo hadlkiisa sii wata waxa uu yiri ” mar walba waxaan jeclahay inaan kooxda kusoo biiriyo laacibiin si ay kooxda u xoojiyaan, laakiin muhiimada ayaa ah inaan heshiis lasoo gasho ciyaartoy waa wayn oo kuba ku caan baxan sida Kaka iyo Robinho”
Kaka ayaa ilaa hada kooxda Real Madrid u ciyaarin allaha ka dhigeen daqiiqad xagaagan, taasi waa mid soo dadajin karta inuu bisha janaayo isaga tago kooxda.
Kooxda Soa Paulo ayaa sanadkii hore isku dayday in ay la wareego ciyaaryahanka laakiin dhaqaale dari soo wajahday darteed ayey markii dambe uga hartay doonistiisa.










