Waxaa Akhrisatay :490
Laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modrich ayaa xaqiijiyay in awoodiisa uu isugu geynayo sidii uu u kasban lahaa kalsoonida Jose Mourinho qeybta labaad ee xili ciyaareedkaan , isla markaana xoogga saarayo soo yareynta farqiga dhanka dhibcaha ah ee u dhaxeeya Madrid iyo Barcelona.
Kubad sameeyahaan oo horay ugu ciyaari jiray Tottenham ayaa tan iyo markii uu yimid Real 8-ciyaar kaliya ayaa lagu soo bilaabay , waxa uuna haatan sheegayaa in uu awood u leeyahay in kooxda wax weyn uu u qabto inkastoo ra`yi aruurin laga qaaday taageerayaasha Real ku tilmaameen in Luka yahay hishiiskii ugu xumaa ee Real gasho .
Mar wax laga weydiiyay sida ay u adag tahay in boos asaasi uu ka helo Real maadama ay joogaan laacibiin qadka dhexe ah sida Alonso , Ozil iyo Sami Khadira ayuu laacibkaani lagu keenay 37-milyan ee euro yiri ” la qabsashada koox weyn waa adag tahay anna ma ihi dadka dooda badan , kooxdaan waa Real waan fahmaaya in uu jiro cadaadis weyn oo laacibinta ku cusub kooxda oo ku aadan in boos asaasi ah ka helaan kooxda.











Runshega adiga ah wagaree garasha jogta viva modric khadira özil alonso Dimarea ronaldo benzima higuain marcelo ramos callijon kaka pepe
Vivi cyl wardhegley