Lucas oo aan u socon kooxda Inter Milan

Dhaliye June 2, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :129
Inter Milan ayaa 18 milyan Euro ku dalbatay ciyaaryahan Lucas, sida uu sheegay wakiilkiisa, lakiin kooxda Sao Paulo ayaa dhaqsaba soo diiday dalabkooda.

Xiisaha ay kooxda Nerazzurri u heyso ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ah mid aad loo wada ogsoon yahay, waxaana ay haatan u muuqataa inay sarre u qaadi doonaan dalabkooda lacageed hadii ay doonayaan inay ciyaaryahanka helaan.

 

“Dalab ka socda Inter ayaa yimid oo ku kacaya 18 milyan Euro, lakiin waxaan la hadlay madaxda Sao Paulo waxaana ay durbadiiba diideen dalabka Inter” ayuu wakiilka ciyaaryahanka Wagner Ribeiro u sheegay Estadao.

“Waxaan la xiriiray Inter si aan ugu sheego in dalabkooda la diiday sababtoo ah ma aysan qancinin kooxda”.

Leave A Response »