Monday, December 18th, 2017

Lothar Matthaus “Jose Mourinho wuxuu ka wanaagsan yahay Pep Guardiola”

Published on August 3, 2015 by   ·   No Comments   ·   2,218 Reads

Halyeygii hore ee xulka qarank Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich, Lothar Matthaus,ayaa si weyn u amaanay Jose Mourinho halka uu dhulka la galay Pep Guardiola.

 

Mourinho ayaa Koobab kula guuleyestay Porto, Chelsea, Inter iyo Real Madrid, halka Guardiola uu Barcelona u horseeeday taariikhdii ugu fiicneyd jiritaankeeda, labo mar ayuu labo mar luxay Champions League.

 

Matthaus ayaa rumeysan in Jose uu yahay macallinka ugu fiican guud ahaan dunida,uuna wax badan ka xariifsan yahay kuwa ay shaqo wadaaga yihiin.Baahin.com ayaa ku xasuusineysa in labadan macalin uu ka dhexeeyo xifaaltan.

 

“Pep ma ahan macalinka ugu fiican adduunka.” sidaas ayuu u sheegay  La Gazzetta dello Sport. “Waxaan doorbidayaa oo aan jeclahay Mourinho, waana tababaraha ugu wanaagsan caalamka, sababtoo ah Mourinho waa nin ay shaqadiisu cadahay.”

 

“Sida aan ka ogaaday ciyaartoydii uu tababaray Jose,waa hogaamiyaha ugu dhaqanka wanaagsan”wax walbo si cad ayuu kuugu sheegayaa.” Ayuu yiri Matthaus.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...