Tuesday, October 17th, 2017

Liverpool oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Radamel Falcoa

Published on August 7, 2014 by   ·   No Comments   ·   1,879 Reads

dhaliye

 

 

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro laacibka kooxda Monaco ee Radamel Falcao.

 

28 jirkan reer Colombia ayaa isagu seegay tartamadii koobka adduunka ee xagaaga lagu qabtay wadakaasi Brazil,isla markaana xiddigan ayaa dhaawac awgeed u seegay kulamadaas,laakiin waxaa lala xiriirinayaa in xiddigani ka tagi doono kooxdiisa.

 

Man City ayaa horey u xiisaynaysay laacibkan,balse hada waxaa kus oo biirtay kooxda Liverpool oo iyadu aad u xiisaynaysa laacibkan.

 

Wariye reer talyani ah oo lagu magacaabo Mina Rzouki waxna ka qora inta badan ciyaaraha ayaa wuxuu ku soo qoray boga twitterkiisa sida tan “ wali wax heshiish ah ma dhicin Falcao wuxuu u dhaxeeya Man City ama Liverpool midkooda in uu ku biiro.”

 

Xiddigan reer Colombia ee Falcao ayaa 41 gool u dhaliyay  51 jeer oo uu u saftay kooxda Porto ka hor inta uusan ku soo biirin kooxda Monaco oo uu u dhaliyay 9 gool isagoo u saftay 17 jeer.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...