Waxaa Akhrisatay :569
Naadiga Liverpool ayaa lala xiriirinayaa in lacago dhan 12 milyan ay ku doonayso in ay bisha January kula soo wareegto xidig u ciyaara kooxda wadanka Ruushka ka dhisan ee CSKA Moscow.
Xidigaan ayaa lagu magacaabaa Keisuke Honda wuxuuna u dhashtay dalka japan waxaana qandaraska uu kula jiro kooxda Reer Ruush uu ku egyahay ama uu dhamaanaya xilli ciyaareedkaan.
Keisuke Honda oo 26 jir ah ayaa indhaha ku haayo inuu ka tago kooxda CSKA Moscow isla markaasna uu helo naadi kale oo uu ka helaayo ciyaaro joogto ah.
Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay xidigaan u dhaqaaqi doonto bisha soo aadan January oo ay doonayso inay kala soo saxiixato kooxda Ruushka xidiga Keisuke Honda.
Kooxda Lazio ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaatay inuu ku biro xidigaan laakin waxay awoodi waysay qiimaha ay kooxda CSKA Moscow ay dalbanaysay xiligan bilaawgiis.
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa aaminsan in xidigaan uu kaalin weyn ka qaadan doonno sida Liverpool ay guulo u gaari lahayd.
Honda ayaa ah mid kamid ah ciyaaryahanada sida weyn ugu dhexmuuqday koobka adduunka 2010 isagoo xidigaan sanadkii lasoo dhaafay 2011 loo codeeyay inuu yahay xidiga ugu wanaagsan koobak Asia Cup.











Honda waa ciyar yahan wanagsan wuu an facaya kooxda wlc honda