Waxaa Akhrisatay :701
Ciyaaryahanka Messi ayaa ku dhaawacmay kulankii xalay ku dhex maray naadigiisa Barcelona iyo naadiga kasoo jeeda wadanka Portugal ee Benfica .
Tababaraha naadiga Barcelona ayaa soo galiyay messi qeybtii dambe ee ciyaarta, isagoona daqiiqo badanba ciyaarin ayaa ay isgaleen isaga iyo gool hayaha kooxda Benfica halkas oo uu ku dhacay Messi uu ku dhaawacmay.
Ka dib markii uu dhaawacmay ciyaaryahankan Messi ayaa waxaa qaaday kooxda caafimaadka ee garoonka Camp Nou,ilaa imikana la garan maayo khatarta uu leeyahay dhaawacani se marka la eego qeybta uu u haawacmay waxa loo malaynaya inaanu dhaawacu wax khatar ah ama mid aad u xun ahayn oo laga yaabo inuu ciyaaro kulamada dambe.










