Waxaa Akhrisatay :928
Seddex ka mid ah kooxaha Caalamka loogu jacel yahay ayaa waxay xilligaan isha la raacayaan laacibka khadka dhexe ee dhalashadiisu tahay Jarmalka, una ciyaara kooxda Borussia Dormund Mario Gotze.
Mario Gotze oo bishii Maarso ee sanadkaan heshiis cusub u saxiixay kooxda Borussia Dormund, ayaa wuxuu kooxda uu u saxiixay in uu sii joogaayo ilaa 2016-ka.
Hadaba kooxda Dormund ayaa waxay shaacisay qiimaha dhabta ah ee heshiiskiisa lagu burburin karaayo, haddii ay jiraan kooxo daneynaaya ciyaaryahankaan, oo kooxdiisa ka caawiyay inay ku guuleysato labadii koob ee ugu dambeeyay ee Horyaalka Jarmalka.
Dormund ayaa waxay sheegtay in heshiiska Mario Gotze uu kooxda kula jooggo lagu burburin karaayo oo kaliya adduun lacageed oo dhan 30 Milyan oo Gini, iyadoo laacibkaan uu ka soo baxay akadeemiga kooxda Dortmund.
Kooxda Dormund ayaa waxay sheegtay in qiimahaan uu ku egyahay bisha Luulyo ee sanadka cusub, iyadoo sheegtay in la soo codsan karo bisha April, haddii ay jiraan kooxo badan oo daneynaaya.
Hadaba kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Real Madrid oo si weyn u xiiseynaaya 20 sano jirkaan, ayaa waxaa suura gal ah inay taasi ka faa’iideystaan, hase ahaatee qiimaha ayaa waxaa suura gal ah inay kooxuhu walaac ka muujiyaan.
Mario Gotze ayaa wuxuu si weyn uu uga soo dhex muuqday Champion League xilli ciyaareedkaan, taasoo keentay in kooxo badan ay durbaba bilaabaan inay isha la raacaan hanaankiisa kubadeed.











Welcome to arsenal mario cotze
.k.k..k.k.k.k ibnu xasan kaas la’arki maayo maxa kale zaha asna shki wen ayaa lageliyay viva Theo walcott
Mario cotze hadi ey jiran naadiyo danenaya wexey heli karan 2014 arsenal hadi ey rabtana xidigan brusia dortmound wexey doneysa xidiga arsenal thomas rosicky thnks bahda dhaliye
ársen winger aad ayuu u so wanagsana naya hadii uba rajaynayo ciyariyahay qiimihisa ah 30milyan o gini
Viva winger sorry ninkii wigar noco maxa yelay wu soo hagagoya
Vivi wengar wALIGANa