Tuesday, October 17th, 2017

Kooxda Juventus oo nambar buuxa u xirtay xidiga Pogba

Published on August 6, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,991 Reads

 

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba uu xiran doono Nambarka 10­aad ee naadiga Juve xagaaga soo socda.

 

Nambarkaan uu qaadan doono Pogba ayaa waxaa sanadkan ka tagay Carlos Tevez, iyadoona uu sidoo kale uu horey u soo shaac baxay Nambarkaasi kabtabkii Juventus Alessandro Del Piero.

 

Juve ayaa sheegtay in ay damacsanayd in Nambarka 10­ka ay gudoonsiiso xiddigaha kala ah Julian Draxler iyo Mario Gotze hadii ay la soo wareegaan sanadka dambe, inkastoo ugu dambeyn maanta La gudoonsiiyey Pogba.

 

Si kastaba Pogba ayaa markii ugu horeysay Juventus u xiran doonta Nambarka 10­aad maaalinta sabtida ay kooxdoodu la ciyaari doonto Supercoppa Italia kooxda Lazio.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...