Kooxda Hantiilaha Carbeed ee PSG oo doonaysa Daafaca Real Madrid Sergio Ramos

Dhaliye September 20, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :8177
Kooxda France ee PSG ayaa wali quud daraynaysa Ciyaaryahano horleh iyadoo la ogaa sidii ay isku dhistay xagaagan iyo kii hore.

PSG ayaa indhaha ku haysa Daafaca kooxda Real Madrid iyo Xulka Spain Sergio Ramos oo sidoo kale ay raadinayso kooxda Chelsea.

Sida uu soo warinayo Sportmediaset Mustaqbalka Ramos ayaa  shaki uu ku yimid waxii ka dambeeyay kulankii Champions league ee Mancity ay ugu badiyeen garoonkoodo.

AC Milan ayaa waqti dheer waxaa lala xiriirinayay Ciyaaryahanka.

Tabarahii hore ee AC Milan iyo Chelsea  ee layliya PSG ayaa waxaa uu sheegay inay iskudayi doonaan in Real Madrid ay kala arinsadaan heshiiska Ciyaaryahanka inkastoo hadana Real Madrid aysan fasaxi Karin  maadama uu kamidyahay Ciyaaryahanka lafdhabarka kooxda.

Leave A Response »