kooxda Hamburg oo ku dhow Saxiixa Rafael van der Vaart

Dhaliye August 24, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :296
Kooxda Tottenham ayaa candhufteeda dib isaga la qaysa inay Garoonkeeda ay ku sii ilaaliso Wiilka Wadanka Holland u dhashay Rafael van der Vaart kaas kooxda ka tagaya xagaagan.

Sida aynu kaso xiganayno The Metro mustaqbalka ciyaaryahanka  uu kulahaaTottenham ayaa dhamaad u muuqda waxaana ciyaaryahanka ugu badnaan uu ka tagayaa sanadkaan kooxdiisa.

Tababaraha kooxda Villas-Boas oo ka hadlay mustaqbalka Rafael van der Vaart ayaa sheegay inaysan  jirin cid qasbaysa ciyaaryahanka hadii uu doonayana inuu baxo ay iska fasaxayaan.

Villas-Boas ayaa u kulul inuu lasoo wareego ciyaaryahano cusub lakiin waxaa uu siidayn doona xidigeeda hadii ay helaan ciyaaryahano badan oo suuqa ugu qorshaysan.

Rafael van der Vaart ayaa markale dib ugu noqon doona Dalka Germany isagoo ku biiri doona kooxda Hamburg oo  uu xiisaynayo inuu u dhaqaaqo.

Van der Vaart ayaa horay Ciyaarihiisii ugu fiicnaa waxaa uu ku soo qaatay Horyaalka Bundesliga inta u dhaxaysay sanadihii 2005 iyo 2008 Isagoo noqday Mid kamid ah Xidigaha dalkaas laga jecelyahay.

Leave A Response »