Waxaa Akhrisatay :662
Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa loo sheegay inay ku fashilmatay la wareegida weeraryahanka Xulka Qaranka Holland iyo kooxda Schalke Klaas-Jan Huntelaar.
Marka uu suuqa kala iibsiga uu furmo qorshaha kooxda Arsenal ayaa wuxuu yahay inay lix milyan oo gini ah ay kula soo wareegto Klaas-Jan Huntelaar, inkastoo loo sheegay inaysan taasi xilligaan muuqaneyn.
Agaasimaha kooxda kubadda cagta ee Schalke Horst Heldt ayaa wuxuu sheegay inaysan kooxda Arsenal la wareegi kareyn xiddigaan, oo heshiiska uu kooxdu kula jooggo uu uga harsan yahay kaliya lix bilood.
Horst Heldt ayaa wuxuu sheegay in kooxda Arsenal ay dooneyso ciyaaryahanka xagga weerarka uga ciyaara kooxda Schalke Huntelaar, xilli uu ciyaaryahanka uu heshiis kula jooggo kooxdaasi.
Laakiin Horst Heldt ayaa wuxuu sheegay inay iska iibinayaan Huntelaar, haddii ay markaasi la soo xiirirto koox lacag wanaagsan heysata, balse waxaan maqleynay buu yiri inaysan Arsenal heysan lacag fiican.
Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu bisha Janaayo ee sanadka cusub uu heli doonaa lacago xoogan, oo loogu amray in uu ciyaartoy tayo leh ku soo kordhiyo Garoonka FLY Emirates.











29jir maba rabno duq hadan rabno waxa jogo chamakh and mr arshavain wana kakubad wanagsanyihin ninkan bada geya hadab viva arsenal
Kkkkkkkkkk arsenal maaa 29 jir kabaxe wax kabadan 6 mil yan guura dheh waxan qababa in kooxda lakeno kaliya zaha iyo hal dafac o bidix iyo midig cayari kara qalas
Arsenal uma bahno iney ciyartoy cusub sogadato ani waxa ilahabon iney ceshato ciyartoydeda like walcott nd sagna hadi laga marmi wayo in laso ibiyo wilfried zaha iyo karim benzema viva walcott