Waxaa Akhrisatay :877
Kooxaha ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Liverpool iyo Arsenal ayaa waxay u muuqdaan kuwo looga adkaaday saxiixa ciyaaryahanka weerarka kooxda Newcastle ee Demba Ba.
Naadiga lacagaha badan ee wadanka Ruushka Anzhi Makhachkala ayaa soo bandhigtay lacago ka kuwa ay Liverpool iyo Arsenal ay ku doonayeen ciyaaryahan Demba Ba kaas oo suuqa qaali ka noqday.
Tababaraha kooxa Newcastle Alan Pardew ayaa sheegay in ciyaaryahankaan ay ku iibinayaan lacago dhan 7.5 milyan oo gini laakin waxay u muuqata in qorshahaas ay ka baxday Newcastle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Newcastle iyo wakiilada ciyaaryahankaan ay isla garteen in xidiga reer Afrika uu saxiixo hishiis cusub oo afar sanadood ah kaas oo todobaadkii ku qaadanaayo lacag dhan 80 kun oo gini.
Kooxda ka dhisan waqooy Bari dalka Ingiriiska ee Newcastle ayaa waxa ay doonaysa markii hore inay iska iibiso xidigaan bisha soo aadan ee January markaas oo suuqa kala iibsiga dib u furmaayo.
Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa la sheegaya in ciyaaryahankaan ay ku waayi doonaan sababo dhanka Dhaqaalaha ah oo kooxda dhawaanahan soo shaac baxday ee dalka Ruushka Anzhi ay ku doonayso lacago ka badan lacagaha ay ku doonayeen naadiyada dalka Ingiriiska.











Welcom to arsenal demba ba