Waxaa Akhrisatay :583
Kooxd Juventus ayaa si weyn u dooneysa in suuqa kala wareega ciyaartooda xili ciyaareedkaan si wacan uga dhex muuqdaan , waxa ayna calaamadeysteen sedex laacib oo midkood loolan adag ay kula kulmi doonaan .
Maroodigii hore ee Chelsea Drogba oo haatan kubada ka laala Shiinaha ayaa ah baahida koowaad ee Juve , waxa ay sidoo kale baadi goob ugu jiraan laacibka reer Liverpool Luis Suarez inkastoo kooxda Liverpool u hayaan laacibkaasi jaceyl kal iyo laab ah .
Laacibka kale ee hishiiskiisa bilaha ka harsan yihiin ee Fernando Ilorente ee kooxda Athletic Bilbao ayay ish ku hayaan , balse wax ay kala kulmeysa loolan kaga imaanaya kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo iyana isha la raacaya laacibkaasi .
Dhaliye Isha Ciyaaraha










