Tuesday, August 22nd, 2017

Juventus oo looga digay saxiixa laacibka Julian Draxler

Published on August 1, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,831 Reads

 

Tababaraha kooxda Schakle04 André Breitenreiter ayaa u digay kooxda Juventus oo daba taagan laacib kiisa 21 jirka ah ee Julian Draxler.

 

Football Italia ayaa sheegaysa in Andre Breitnreiter uu uga digay kooxda reer talyaani inay ka soo agdhawaato kubadd sameeyihiisa reer jarmal ee Julian Draxler.

 

41 jirkaan reer Jarmal ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii haysto sanado badan Julian Draxler maadama uu yahay laacib shaqo badan u haaya kooxdiisa isla markaana gaarsiin kara kooxda kaalimo sar sare xiliciyaareedka soo socda.

 

Juventus ayaa doonaysa inay ku buuxiso laacib kaan booskii uu baneeyay Andrea Pirlo oo ka tagay kooxda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan kaas oo ku biiray New York City FC.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...