Waxaa Akhrisatay :461
Kooxda Juventus ayaa ugu adkaatay kooxda AC Milan koobka uu dhigo sanad walba Milkiilaheeda Berlusconi kadib markii 3-2 looga badiyay.
Juventus ayaa ku guulaysatay koobka Trofeo Berlusconi,waxaana ay ku adkaatay goolal ay u kala dhaliyeen Marchisio ,Vidal iyo Matri halka Robinho uu xalay isagoo xiran No 9 shabaqa Juventus dhex dhigay Gool.
AC Milan waxaa ka maqnaa Xalay xidigeeda yar ee Stephan El Shaarawy halka Massimo Ambrosini iyo Philippe Mexes ay iyagana dhaawac ahaayeen
Daafaca Cusub ee Milan Cristian Zapata ayaa kulankiisii ugu horeeyay saftay lakiin tageerayaal ka tirsan Milan ayaa ku qaylinayay ,boorarna ku soo qoray Madoonayno Borriello oo lala xiriirinayo kooxda iyo sidoo kala waxaa ay ku dhawaqayeen madaxwayne waxaan u baahanay Champion.
Bianconeri ayaa garoonka ku soo xaadirtay iyadoo ay ka maqnayeen Andrea Pirlo, Gigi Buffon, Giorgio Chiellini iyo Martin Caceres waxaana Daafaca Juventus la dhigay Luca Marrone.
Milan 2-3 Juventus
Xidigaha Juventus iyo Milan u kala saftay waa kuwan.
Milan: Abbiati; Abate (Nocerino 50), Zapata, Yepes, Antonini (De Sciglio 46); Flamini (Traoré 63), Montolivo, Constant, Boateng (Valoti 80), Emanuelson (Pato 46), Robinho
Juventus: Storari; Barzagli (Masi 69), Marrone (Rugani 89), Lucio (Bonucci 46); De Ceglie (Ziegler 46), Padoin (Giaccherini 46), Vidal, Pogba, Marchisio (Lichtsteiner 46) (Asamoah 86); Giovinco (Quagliarella 46), Vucinic (Matri 46)










