Waxaa Akhrisatay :124
Juventus ayaa war laga yaabay uu ka soo yeeray kadib markii ay sheegtay inay lasoo wareegayso daafaca kooxda uu xifiltanka kala dhaxeeyo ee inter Milan hadii uu katago daafaceeda oo lala xiriirinayo kooxda PSG..
Juventus ayaa doonaysa sida aynu kasoo xiganay Tuttosport inay ku badalanayso Daafaceeda Stephan Lichtsteiner hadii uu kooxda ka tago inay dhaqsi kula soo wareegayso Xidiga Brazil ee Douglas Maicon.
Macalinka kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaa todobaadkaan diiday wararka sheegaya inay doonayaan Daafaca Juventus lakiin sida laga sii daayay Warbaahinta Franch wada xaajoodka labada koox ayaa soconaya.
Warka Subaxnimadan layaabka noqday ee ka soo baxay magaalada Turin Wargaysyada kasoo baxa sida Tuttosport ayaa qoray in Juventus ay indhaha ku hayso Maicon Islamarkaanka uu noqon doono boos buuxiyaha kooxda .
Juventus ayaa horay Inter kala soo saxiixatay Lucio iyadoo hadana damacsan inay soo qaadato xidiga heshiiskiisa uu dhamaanayo June 2013 ee Douglas Maicon .










