Julio Cesar:- waa wakhti xun oo kamida noloshayda

Dhaliye December 8, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :665

Mar lala hadlay gool hayaha reer brazil iyo naadiga QPR ee “Julio Cesar”  ayaa waxa uu sheegay ka xumaanta uu ka xunyay waxa ku dhacaya naadigiisa, sheegayna tanoo kale inanay hore usoo marin isaga shakhsi ahaaneed.

Naadigan kasoo jeeda caasimada London ee wadanka England ayaan badin 13-kii ciyaarod ee ugu horeeyay horyaalka wadanka ingiriiska taaso sababtay in la eryo tababaraha kooxdas ee “Mark Hughes”

Waxa uu sheegay goolhayahii hore ee kooxda inter Milan “ mawqifkanoo kale waligay hore iimuuso marin, waligay waxan u tartami jiray koobab imikana inan ku dhacno Seria B ayaanu ku dhawnahay, wakhti xun oo noloshayda ka mida weeyan sababo badana way ka dambeeyan dhibatadan na haysata”

Mar uu ka hadlay tababarihiisi hore waxa uu yidhi “ may ahayn arin la yaableh in la eryaa “Mark Hughes”, in la eryaana waa wax dabiiciya, hadaanad badin 13 ciyaarod oo isku xiga, way adagtay inad joogta naadi kasta ha ahaade”  ayuu kuso gabo gabeeyay hadalkiisi

One Comment »

  1. Maxamed scholes December 9, 2012 at 12:16 am - Reply

    Haa wa sax julio cesar

Leave A Response »