Jose Mourinho Oo Ay Neefta Ka Soo Fuqday

Dhaliye January 4, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :1137
177958hp2Jose Mourinho ayay neefta ka soo fuqday ka dib markii uu soo gaaray war sheegaya in Raúl Albiol uu ku soo laabtay tababarka kooxda Madrid.

 

Kooxda Real ayaa ka sheeganeysay dabacsanaan xoogan oo dhanka daafaca ka hor kulanka 18-aad ee horyaalka Spain ee ay la leeyihiin axadda kooxda Real Sociedad . kaasi oo ka dhacaya garoonka Madrid , waxaana ka maqan daafacooda Sergio Ramos kaasi oo kulanka kaga maqan sababa la xariira jaaladii 5-aad ee uu qaatay halka Bébé uu ka sheeganayo dhaawac qaliin lagula sameeyay , iyadoo uu maqnaanayo muddo bil ah .

 

 

Arintaan ayaa imaaneysa xiili sidoo kale Real kulanka axadda ay ka maqan yihiin labada garab ee Fabio Coentrao iyo marcelo vieira taasina waxa ay halis galineysaa Real oo dooneysa in ay neefta soo ceshtaan .

Leave A Response »