John Terry Oo Garka Loo Geliyay Ganaax Kale Oo Tartamada Kooxaha Yurub Ah.

Dhaliye June 4, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :152
Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa la ganaaxay labo kulan oo koobabka kooxaha Yurub ah ka dib casaankii uu qaatay kulankii semi-finalka ee Barcelona.

Guddiga dishibiliink UEFA ayaa ku helay fal qalalaase ah Terry markii uu jilibkiisa xaga danbe kaga dhuftay weeraryahanka Barcelona Alexis Sanchez ciyaartii ka dhacday Camp Nou.

Terry ayaa casaankii uu qaatay darteed ku seegay kulankii ay Blues Champions League ku qaaday markii ay ka badiyeen Bayern Munich.

 

Waxaana uu haatan sidoo kale seegi doonaa labo kulan kale, iyadoo kabtankii hor eee England uu ka maqnaan doono kulanka Super Cup ee ay la ciyaarayaan kooxda ku guuleysatay Europa League ee Athletico Madrid, kaasoo ka dhici doona bisha August Monaco.

Waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulanka ugu soo horeeya ee Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda, madaama ay booska kala baxeen Tottenham oo afaraad ku dhameysatay balse Chelsea ay ku soo baxday inay qaaday Champions League.

Terry oo haatan la maqan xulka England oo isku diyaarinaya Euro 2012 ayaa racfaan ka qaadan kara ganaaxan.

Leave A Response »