Johan Djourou oo ku biiraya kooxda Hannover.

Dhaliye January 5, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :300
Johan DjourouDaafaca kooxda Arsenal Johan Djourou ayaa hishiis la gaaray kooxda ciyaarta horyaalka Bundesliga dalka Jarmalka ee Hannover 96 ilaa dhamaanka xilligaan.

Hishiiska uu la gaaray Johan Djourou kooxda Hannover 96 ayaa ah mid amaah lix bilood ah oo uu la joogaayo ilaa bisha june ee sanadkaa.

Ciyaaryahanka caalamiga wadanka Switzerland Johan Djourou oo 25 jir ah ayaa xilligaan u ciyaaray labo kulan kooxda Arsenal isagoo labadaas kulan ahaa kabtanka ciyaarihii ay kaga horjeedeen Reading  iyo Coventry ee koobkii League Cup.

Qof kasta oo ku sugan Arsenal ayaa u rajeeyay Johan Djourou inuu ciyaaro wanaagsan kasoo bandhigi doonno dalka Jarmalka ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Arsenal ay soo saartay.

Johan Djourou ayaa u ciyaaray Arsenal 144 kulan wuxuuna markiisa ugu horeeyay kusoo biiray sanadki 2004.

Muddo kooban ayuu Johan Djourou si amaah ah ugu soo ciyaaray koxda Birmingham sanadkii 2007 isagoo 13 kulan u saftay.

Johan Djourou ayaa u saftay xulkiisa Switzerland inka badan 30 ciyaarood wuxuuna kamid aha xulka dalkaas ee koobkii adduunka 2006 iyo koobkii Euro 2008.

 

Leave A Response »