Joe Cole oo caafimaadka West Ham maraya

Dhaliye January 3, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :268
Joe-Cole-playing-for-West-001

Ka dib markii la isku waafaqay wadahaladii labada dhinac ayaa laacibkii kooxda Liverpool ee Joe Cole ayaa la filaya inuu ku biiro kooxda westham, kooxdanoo ahayd meeshii uu ka bilawday xirfadiisa kubadeed.

Shabakada Skysports ayaa cadaystay gaadhitaanka laacibkan maanta oo khamiisa duhurkii gaadhay kooxda West Ham si uu u maro caafimadka halkaaso uu soo dhaweeyay kubiiritaanka kooxdan bishii hore dhamaadkeedi, ka dib marki uu meel ka heli kari waayay shaxda Liverpool.

Laacib ka mida kooxda West Ham ee lagu magacaabo Sebastian Lletget ayaa bogga Twitter-ka uu ku leeyahay ka yidhi “Joe Cole waa uusoo gaadhay maanta wananu rajaynayna inuu si rasmi ah ugu soo biiro kooxda”

Waxa xusid mudan in kooxda Liverpool ay amaah u dirtay laacibkan ilaa iyo kooxda Lille ee wadanka France halkasoy filayeen inuu laacibku kasoo kabto dhaawacan badan ee soo gaadhay se aanay dhicin siday filayeen halkaasoy la filayo in wiigan gudihiisa dhamaan doonto iibka Joe Cole.

Leave A Response »