Waxaa Akhrisatay :197
Kooxda Taliyaaniga ee Inter Milan ayaa ku dhow inay lasoo wareegto ciyaaryahanka wadanka Holland u dhashay ee Nigel de Jong oo kooxda Manchester united ay fasaxday.
Ninkan Dutch ayaa kooxda City waxaa ay u ogalaatay inuu katagi karo horyaalka Premier league hadii ay suuragasho inuu ku biiro kooxaha Taliyaaniga ee doonaya xidiga.
Nigel de Jong ayaa hal talaabo u qaaday kuna dhowyahay inuu katago kooxda Manchester City taas oo u dhawaynasa inuu ku biiro kooxda Inter Milan,waxaana xidiga gaaban ee Holland garab kusiinaya inuu kooxda katago tababaraha Manchester City Roberto Mancini.
Nerazzurri ayaa horay ula soo wareegtay xidigii kooxda Bologna Gaby Mudingayi lakiin tababaraha Inter Milan Andrea Stramaccioni ayaanan ku qanacsanayn xidiga wadanka Belgian waxaana uu ka jecelyahay Xidiga City ee Nigel de Jong.
De Jong ayaa City waxaa uu kaga soo biiray kooxda Hamburg bishii January sanadii 2009 isagoo noqday muda kadibna Ciyaaryahanada ugu muhiin ee Premier league ka xamaasha.










