Inter Milan Oo Qanadaraaska U Kordhisay Yuto Nagatomo

Dhaliye January 5, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :214
duqNaadiga Inter Milan ayaa ku shaaciyay bogooda Internetka in hishiska ay u kordhiyeen laacibka dhanka garabka bidix kubada ka qaabeeya ee Yuto Nagatomo.

 
Waxa ayna sheegeen in muddo kordhintaan ay gaareyso sedex sano iyo bar , waxa ayna hishiis kordhinta imaaneysa xilli laacibkaan uu si weyn ula qabsaday kooxda maadaaama uu awood u leeyahay in uu ka ciyaaro labada garab iyo qadka dhexe daafaca .

Inter ayaa qaab amaah horay laacibkaasi ula soo wareegtay sanadkii 2011-ka iyadoo isla sanadkaasi ay toos u iibsadeen , waxa uuna u saftay 86-kulan iyadoo uu dhaliyay 6-gool .

Inkastoo Inter ay xagaagan kooxda FC Porto ka soo iibsadeen Álvaro Daniel Pereira oo isna ka ciyaara garabka bidix hadana laacibkaani waa uu xajistay booskiisa maadaama si weyn kooxda uu ula qabsaday , waxa uuna hishiiska uu kordhiyay uu gaaraya illaa iyo sanadka 2016-ka .

Leave A Response »