Inter Milan Oo Dooneysa Inay Dhisato Garoon Cusub Oo Iyada U Gaar Ah.

Dhaliye June 4, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :125
Inter ayaa dooneysa inay dhisato garoonkeeda u gaarka ah 2016ka, sida ay ku warameyso Corriere dello Sport.  Nerazzurri ayaa haatan waxa ay garoon dowlada hoose ay leedahay San Siro ay la wadaagaan Milan, waana garoon u baahan in mustaqbalka dhow lagu sameeyo horumarin.

Si kastaba, qoyska Moratti ee iska leh Inter ayaa qorsheynaya inay iska daayaan San Siro oo ay ay dhistaan garoon iyaga u gaar ah.  Kooxda ayaa maskaxda ku heysa shan meelood oo ay ka dhisi karaan garoonka cusub, waxaana ay xiriir la sameeyeen shirkad dhisme oo dhisi karta garoonka.

Waxaana ay rajeynayaa in garoonka la bogo ka hor bilowga xilli ciyaareedka 2016-17.  Garoon cusub oo ay Inter gooni u yeelato ayaa keeni doono in dhaqaalahooda uu sarre u kaco, madaama haatan xilli ciyaareedkii ay 28 milyan ginni ka soo gasho San Siro.

Kooxda haatan heysata horyaalka Talyaaniga ayaa xilli ciyaareedkii soo dhamaaday waxa ay u guurtay garoonkeeda cusub ee Juventus Arena kaasoo qaada 41 kun oo ruux. 2 Aragtiya

Leave A Response »