Huntelaar oo 4 milyan ay ku doonayso Arsenal.

Dhaliye December 9, 2012 3

Waxaa Akhrisatay :942
Kooxda Arsenal ayaa doonayso inay bisha janaayo lasoo wareegto weeraryahanka wadanka Holland Klaas-Jan Huntelaar.

Weeraryahanka ku wanagsan dhalinta goolasha ee Klaas-Jan Huntelaar ayaa isaga xitaa doonaya inuu kusoo biro horyaalka ingiriska oo si weyn uu u doonaayo inuu ka ciyaaro halkaas.

Wargayska kasoo baxa dalka Faransiiska ee L’Equipe ayaa sheegay in Arsenal uu ku biiraayo ciyaaryahan Klaas-Jan Huntelaar  oo u hanqal taagayso xidigaas.

Klaas-Jan Huntelaar ayaa dhaliyay 58 gool 68-dii kulan ee uu u saftay kooxda Schalke waxaana qandaraaska uu kula jiro kooxda ka harsan lix bilood wuxuna ku biiri karaa kooxdii uu doono.

Ciyaaryahankaan waa 29 jir wuxuuna  ciyaar qurux badan kasoo bandhigay kulamadii labada ahaa ee Arsenal uu la ciyaaray koobka horyaalada yurub wuxuuna goolal ka dhaliyay kulankaas.

Arsenal ayaa xiligaan waxaa haysata abaar dhanka dhalinta goolal badan waxaana ay ku bilaawday horyaalka heer aan wanagsanayn xiligaan.

3 Comments »

  1. Nuurb December 9, 2012 at 5:51 pm - Reply

    Viva arteta rosickey wilshere cazorla ramsey coquelin qad dhexe qurxana werer waa eber viva chamberlain and walcott podolski gibbs giroud bax

  2. Nadiir December 10, 2012 at 2:14 pm - Reply

    Wlcme huntallaar kuso dhawow fly emarities we lv u nd we need u

  3. Roscky December 11, 2012 at 5:19 pm - Reply

    Warkan nagamadhafo wax socod ku dhelayo waye

Leave A Response »