Kooxda ku soo jeeda caasimada wadanka England ee Spurs ayaa shabakada ay internetka ku leeday ka cadaysay inay heshiis la gaadhen laacibka kooxda Schalke “Lewis Holtby” kaaso iman doona kooxda bisha July.
Hadaba tababare AVP ayaa ciqaabay Wenger kaaso hor qaaday saxiixa Captainka Germany Under-21 ee Lewis HoltbY, halkaaso uu sheegay AVP ” aadban ugu faraxsanay laacib mustaqbal leh inuu yimaado kooxdayada, waanan samri doona ilaa inta uu noo iman doono bisha July”
Waxa xusid mudan in laacibkan da’da yar uu ka bilaabay xirfadiisa kubadeed kooxda Alemannia Aachen ee horyaalka labaad ee Bundesliga, ka dibna kusoo biiray kooxda Schalke sanadkii 2009, halkaas oo uu la ciyaaray kooxdiisa Schalke 75 kulan dhaliyayna 11 gool.











