Harry Redknapp ” QPR Waa Ay Ka Bad-baadeysa In Heerka Labaad U Dhaa-dhacaan”.

Dhaliye January 3, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :1012
reTababaraha sixiroolaha ee  QPR  Harry Redknapp  ayaa muujiyay rajadiisa ku aadan in QPR ay baaqi ku sii ahaaneyso kooxaha heerka koowaad  oo ay  sanadkaan ka bad baadeyso in darajada labaad u dhaa-dhacaan inkastoo haatan qeybaha hoose ay ku jiran.

 

Kooxda QPR ayaa xalay ku guuleystay in Chelsea gurigooda ku garaacaan , waxa ayna haatan leeyihiin 13- dhibic ka dib 21-kulan oo ay ciyaareen illaa iyo haatan .

 

” Ka dib guul daradii axadii ee Liverpool ma jirin cid lagu qancin karayay in QPR darajada koowaad ay sii joogeyso waxa ayna guushii xalay na siisay rajo aad u sareeysa”.

 
Guushii xalay ee QPR ayaa  ah midii ugu horeysay tan iyo 2011-kii oo ay ku badiyaan gurigooda banaankisa , waxa ayan dhawanaahan u nugulaayeen guul darro.

 

Leave A Response »