Waxaa Akhrisatay :586
Laacibkii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee José María Gutiérrez Hernández ee loo yaqaano Guti ayaa si rasmi ah uga dhawaaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta waxa uuna sheegay wareysay uu siinayay Radio Marca.
Guti ayaa dalabyo xoogan kala helay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagii dhamaan , waxa uuna sheegay in diiday sababtoo ma doonayo ciyaaryahanka inuu dib ugu soo laabto kubadda cagta.
Laacibka ayaa isaga wareysi bixinayay waxa uu yiri “Waa qaatay go’aankan waana kama dambays, waan helay dalabyo badan laakin waa iska diiday, waxaan doonayaa inaan waqti badan la qaato qoyskeyga”
Guti oo Real Madrid kula guuleestay 3 ka mid ah horyaalka qaarada yurub ee Champions league ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu waxbarasho gali doono si uu mustaqbalka dhaw u noqdo tababare waxa uuna yiri “waxaan aadayaa tababar waxbarasho si aan u noqdo tababare ama maamulo isboorti, waxaan ku rajo waynahay inaan tababaro kooxaha dhalinyarada ah, waxaan jeclaan lahaa inaan tababare u noqdo ciyaartoyda da’da yare e kooxda Real Madrid”










