Waxaa Akhrisatay :265
Ambassador Augustine Mahiga Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilasan arrimaha Soomaaliya, ayaa kulmay masuuliyin Ugu Sareeysa Guddiga Olambikada Soomaaliyeed (GOS), waxaana ay ka wada-hadleen Arimo fara badan Oo Aay Ugu horayso horumarinta isboortiga Guud Ee Dalka Soomaaliya.
Xubnahii ka socday Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Ee GOS ayaa waxaa Hoggaminayay kusimaha guddoomiyha guddiga Olambikada Soomaaliyeed Mr Durraan Axmed Faarax, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya loogu qaban lahaa tartamo heer caalami ah kuwaasi oo dhamantod Kor loogu qaadayo Arimo laxiriira nabada
.
Mr Durraan Axmed Faarax ayaa kulankasi ka sheegay burburki dowladdii dhex ee Dalka Soomaaliya inuu isboortiga Soomaaliya ka muuqday wadamadii lagu qabto tartamadii kala duwanaa ee caalamka,sida Tartankii ka dhacay Magaalada Barcelona ee Dalka Spain Sanadkii 1992dii oo aay ka qayb galeen dhamaan guddiyada Olambikada Caalamiga Ee Aduunka Kajira, waxaa uuna ka codsaday in gacan laga siiyo horumarinta cayaaraha kala duwan ee Dalka Soomaaliya.
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ee GOS waxaa uu wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga u sheegay in guddiga olambikada Soomaaliyeed uu abaabulay tartamo nabadda lagu dhirragalinayo iyo in carruurta Soomaaliyeed aan la askareynin, halka qaaroodna carruurtaasina uu xusay inay Qayb kayihiin isboortiga Guud ee Dalka Soomaaliya sida cayaaraha kubada cagta kubada kolayga kubada gacanta kubada lalliska iyo cayaaraha Fudud.
Augustine Mahiga ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka cusub ee uu la yeeshay iyo kulankii uu laqaatay madaxda sare ee GOS, waxaanu uga mahadceliyay howsha wanaagsan ee ay bulshada u hayaan.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Xoghaya Guud ee GOS C/Laahi Axmed Tarabi Gudomiyaha xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubada Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow iyo xoghayaha dhinaca warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubada Cagta Shaafici Muxudiin Islaaw.
Kulankan ayaa kuso beegmaya Xilli uu Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Ee GOS Uu kuso wajahan yahay kaqayb galka Olambikada Aduunyada ee lagu wado in bisha so.aadan inuu kabilaabmo Magaalada Landon Ee Dalka England.










