Friday, July 20th, 2018

Gervinho oo ku laabanaaya kooxda Arsenal

Published on February 5, 2014 by   ·   No Comments   ·   4,134 Reads

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Gervinho ayaa sheegay inuu dib u xasuusto waqtigiiwanaagsanaa ee uu ku qaatay kooxda Arsenal isaga oo qiray inuu jeclaan lahaa in maalin uu ku laabto London.

Hadda waxaan doonayaa inan u ciyaaro kooxda Roma in ka badan intii aan u saftay kooxda Arsenal ayuu sheegay Gervinho oo kamid ah xiddigaha ay ku duusho waqtigan kooxda Roma.

26 jirkaan ayaa ka tagay Emirates Stadium xagaagii hore isaga oo si dhaqso ah kula qabsaday kooxda Roma oo sanadan u halgameysa ku guuleysiga horyaalka Serie A.

“Waxaan qabaa in aan tacabur ku heestay London waxay aheyd mid  wanaagsan noloshii London,” Gervinho ayaa  u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan mar walba ku riyoodaa inaan ku laabto Arsenal oo aan u ciyaaro markale.

Gervinho ayaa dhaliyay lix gool waqtigiisa ugu horeeya ee uu ku qaadanayao kooxda Roma xilli ciyaareedkan.

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...