Gary Neville ” Nasri Heer Ciyaareedkiisa Hoos Ayuu U Dhacay , Ma Aqaan Waxa Haleeyay”.

Dhaliye December 11, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :1077
Daaficii hore ee Man United Gary Neville ayaa muujiyay sida uu ula yaaban yahay waxa hoos u dhigay heer ciyaareedkii Samir Nasri iyadoo uu ka dalbaday Manicini in kulan uu la qaato Nasri waxna ka ogaado waxa sidaan u galay ee hoos u dhigay .

Kaaliyaha tababaraha qaranka Ingiriiska Gary Neville ayaa ka sheegay Sky Sports in laacibkaan sedexdii illaa afartii ciyaar ee ugu dambeysay in Nasri uusan City wax u qaban waxa uuna intaas raaciyay in uu la yaaban yahay waxa hoos u dhigay Nasri.

” Ma aqaan in nasri dhibaato ay haysato , hadii Manicini rabo in uu ka faa`ideysto farsamada laacibka waa in uu la fariistaa oo xog wareystaa waxa haya”ayuu sii raaciyay .

 
Nasri ayaa kulankii darbiga lagu eedeyay in uusan heer wanaagsan uusan soo bandhigan iyadoo uu ka bixi waayay baasas qaldan iyo cel celis dhanka kubada ah .

Dhaliye Isha Ciyaaraha

 

 

One Comment »

  1. J.hernandez 14 December 11, 2012 at 7:38 pm - Reply

    Aniga ugu horeyn waxan ahay tageero man utd ah inkasto uu samir nasra u dhelo man city hadana wan ka xumahay hos u dhaciisa waxana filaya iney ka danbeyso kheydka bdn ee lagu hayo waxan jeclahay walakeyga muslimka ilaheyna waxan ugu baryaya ine hagajiro kubadisa noloshisana farxad ku dhamesto my love samiq nasri wlcme to old troffod insha allah bx

Leave A Response »