Fiorentina oo ka dhawaajisay waxaysan ku farxin Man City

Dhaliye August 19, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :130
Sida Wargaysyada Taliyaaniga ay qorayaan maanta kooxda Fiorentina ayaa  ku daadisay kooxda Manchester City oo baadi goobaysa ciyaaryahankeeda Stevan Jovetic.

Xidiga Montenegro ee Weerarka ayaa horay waxaa lala Xiriirinayay kooxda Juventus,Sidoo kale waxaa dhankooda ka baadi goobayay kooxaha England ee Chelsea iyo Arsenal.

Sida aynu ka soo xiganayno La Nazione,Tababaraha kooxda Manchester City ayaa doonaya Xidigan isagoo daawanayay ciyaartii 2-0 ay kaga badisay Viola kooxda Novara markaas oo kabtanka kooxda uu hayay Jovetic.

Fiorentina ayaa shaaca ka qaaday in 22 jirkaan uu beec ahayn oo waxaa qiimo walba laga diiday Juventus,Sida kooxda Viola qorshaha u ah waxaa ay doonaysaa inay la ciyaarsiiso Wejiyada cusub ee ay lasoo wareegtay Sanadkaan sida Borja Valero, Alberto Aquilani, Matias Fernandez, Mounir El Hamdaoui iyo David Pizarro.

Tababaraha Man City ayaa wali doonaya in suuqa uu kala soo wareego ciyaaryahano cusub balse waxaana uu meesha ka saaray in kooxdiisa ay qaadi karto Premier league.

One Comment »

  1. Ohio said August 19, 2012 at 4:37 pm - Reply

    Mancity way qadi karta liligahan wayo waa koxda kali e hada dhisan waxa laga yaba united&chelsea inay uso dhawadan

Leave A Response »