Waxaa Akhrisatay :190
Naadiga Fiorantina ayaa shaacisay inay si rasmi ah ula soo wareegtay weeraryahanka kooxda Villareal Giuseppe Rossi.
La Viola ayaa ku xaqiijisay webseedkeeda Xalay inay hishiis la gaartay kooxda reer Spain ee Villareal oo ay kala wareegtay Giuseppe Rossi.
war Qoraal ah oo lasoo dhigay bogga internetka ay ku leedahay Fiorantina (violachannel.tv) ayaa lagu sheegay in kooxaha Fiorantina iyo Villareal ay hishiis ku gaareeen inay kala iibsadaan Giuseppe Rossi oo ka tagay Villareal kuna biiray Fiorantina.
Ciyaaryahan Giuseppe Rossi ayaa horyaalka Talyaaniga ka tagay sanadkii 2007 markaas oo uu u ciyaarayay kooxda Parma waxaana ay si amaah ah kaga soo qaadatay xilligaas kooxda Man utd.
Inkastoo aysan faah faahin ka bixinin qiimaha ay ku hishiiyeen ayaa warar uu baahiyay TV=ga SKY Sport Italia uu sheegay in 10 milyan ay kula wareegtay oo ay u dheertahay 6 milyan oo bonuses ah ama wax qabadkiisa ku xeran.










