Waxaa Akhrisatay :452
Kooxda Kubbada Cagta Fenerbahce ee ka dhisay wadanka Turkiga ayaa xaqiijisay inay wada hadalo kula jirto kooxda heysata horyaalka Qaarada ee Chelsea ayaagoona kala hadlay sidii ay kooxda reer turki kula wareegi laheed ciyaaryahanka Qadka dhexe ee Xulka Qaranka Wadanka Portugal iyo Kooxda Chelsea Raul Meireles.
29 jirka reer Portugal ayaa waxa uu u ciyaaray in ka badan 60 ciyaar xulka dalkiisa, waxa uuna Chelsea kusoo biiray xagaagii hore asagoo yimid kooxda Liverpool waxa uuna chelsea u saxiixay heshiis 4 sano.
Raul Meirles ayaa la xariirinayay inuu ku biiri doono kooxda kubada cagta Napoli ee ka dhisan wadan Talyaaniga laakin wada hadaladii uu kula jiray ayaa si sahlan u burburay taasi oo koontay in kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub ay usoo hanqal taagaan sidii ay ku heli lahaayeen Ciyaaryahankaan.
Kooxda reer Turki ayaa dooneysa iney ku badasho booskii uu banaayay Emre Belözoğlu oo si xor ah ugu biiray kooxda ka dhisan caasimada wadanka Spain ee Atletico Madrid.
Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda wadanka Turkiga ayaa wali xirmin, waxaana lagu wadaa inuu xirmo maalinta Arbacada Aah ee 5 Bishan taasi oo u sahleysa Naadiga reer turkiga iney heshiis la galaan Ciyaaryahanka.










