Waxa uu so saaray xidhiidhka FA-ga wadanka England go’aan lagu ganaaxayo ciyaaryahanka Chelsea uga ciyaara qadka dhexe ee John Obi Mikel.
Ganaaxan oodhan saddex ciyaarood iyo £60,000 ka dib markii uu ku eedeeyay garsooraha Clattenburg inuu caayay ciyaartii dhacday October ee ay la ciyaarayen Manchester united taaso ku garaacday naadiga Chelsea 3-2.
Waxa xusuus mudan in xidhiidhka Fa-gu hore u ganaaxay garsoorahan inuu qabto ciyaaraha ka dib eedayntii lagu haystay awgeed, taasoo lagu waayay eedayntasi.











