Waxaa Akhrisatay :530
Tababaraha kooxda Spartak Moscow ninka lagu macagaabo Unai Emer ayaa ka hadlay ciyaartii xalay kooxdiisa ay la yeelatay kooxda Barcelona taasoo kooxdiisa 3-2 loogu awood sheegtay wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay guuldaradii xalay soo gaartay iskabadaa kooxdiisa oo hogaanka ciyaarta u heysay ka hor 20 daqiiqo ee igu dambeeyay.
Macalinkii hore ee kooxda Valencia ayaa sheegay in kooxdiisa aanay raali ka aheyn guul daradii xalay asagoona xusay inay u imaaneed guul
“Raali kama nihid guulradaas, waxaan u baahneyn guul, laakin waxaan ku qanacsanahay bandhiga wanaagsan ay kooxdeyda soo bandhigtay, tani waa mid amuuraha ka dhigeysa mid wanaagsan mustaqbalka , waxey ahayd ciyaar adag, waxaan leeyahay hambalyo Barca waa inaan ku fakarnaa ciyaaraha soo socda” ayuu yiri macalin Emre
Emre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri
“Mar walba oo aan ka hor imaado barcelona waxaan dareemaa nasiib xumo, wali ma aanan ka adkaan barcelona, marw alba oo aan halkaan imaado waxaan u imaada inaan guul gaaro laakin midaa iima suura gasho, inta badan kuma badaiyo Camp nou, xalayna waxaan u imaanay inaan guul gaarno”
Macalin Emre ayaa sheegay in kooxda uu haatan layliyo macalin tito vilanova aysan waxba ka bedelneen markii uu macalinka u ahaa Pep Guardioala.
“Kooxdaan waa mid aan wax badan ka bedelneen kooxdiis macalin pep, waxaana aaminsanahay wadadii uu horay wada macalinkaa hore loo sii waday taana waa furaha guusha”
Emre: waxaan u imaaday guul Laakin wali Nasiib Darro guul wali kuma gaarin halkaan
September 20, 2012 1One Comment »
Leave A Response »











Sax.weeye.baas.ayay.ciyaarta.wayna.badisa.isku.mid.tito.pep