El Merreikh Oo 1-0 Kaga Adkaatay Ahli Shandi Una Soo gudubtay wareega labaad ee African Confederation Cup

Dhaliye September 17, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :394
Kooxda Kubada cagtaEl Merreikh ee wadanka Sudan ayaa si toos ah ugu soo baxday wareega labaad ee African Confederation Cup kadib markii 1-0 ugu awood sheegatay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Ahli Shandi.
Laacibka Reer Brazil ee Lima ayaa u suura galiyay kooxda El Marreikh in ay usoo gudubto wareega labaad kadib markii daqiiqadii 75-aad uu shuud aad u xoogan ku tuuray goolhayaha kooxda Ahli Shandi kaasoo awoodi waayay inuu kubadaasi shaqabiisa ka ilaaliyo.
El Marreikh ayaa hogaanka u qabatay Group A kadib markii 2 dhibcood ay ka hormartay kooxda ee isku wadanka yihiin ee Al-Hilal taasoo maalintii Sabtiga bareejo 1-1 la dhaafi wayday kooxda GD Interclube ee ka socota wadanka Angola.
Group ka koowaad ayaa waxaa kuwada jira Kooxda Elmarreikh, Al Ahly iyo Al Hilaal oo ka socda wadanka Sudan iyo GD Interclube oo ka socota wadanka Angola.
Kooxda El Marreikh ayaa 10 dhibcood ku horkaceysa Group-ka waxaana kusoo xigta Al-Hilaal oo leh 8 dhibcood waxaana 3 dhibcood leh kooxda Ahli Shandi halka GD Interclube ay 1 dhibic leedahay.

Leave A Response »