Dortmund oo udhaqaaqday dhanka ciyaaryahanka amaahda ku jooga Liverpool

Dhaliye January 2, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :620
nuri-sahin-zeigt-liebe-zu-borussia-dortmund_485x3641

Borussia Dortmund oo lagu tuhmayo laacibkeedii hore ee Nuri Sahin, kaaso imika Real Madrid amaah kaga maqan joogana kooxda wadanka England ee Liverpool.

Ciyaaryahankan turkey-ga ah ayaa kusoo biiray kooxda “los Blancos“  ka dib markii uu qaaday koobka Bundesliga-ha iyo kooxdiisi hore ee Dortmund, se isku muujin kari waayay shaxda Special One kaaso badana laga tago ama badalka la dhigo.

Kooxda daafacanaysa horyaalka Bundesliga  ayaa suurto gal tahay inay dib Sahin usoo celiso meeshii uu ka bilawday xirfadiisa kubadeed.

“Nuri waa mid anaga naga mida, waanan u dhawnahay inanu xalino arintiisa” maamulaha Dortmund Micheal Zorc ayaa usheegay Bild.

Waxa xusid mudan in Sahin uu bilawday 7 ciyaarod oo kaliya, taaso shaki gali say in Rodgers oo  dib ugu celin doono Nuri Real Madrid bishan January.

 

Leave A Response »