Daawo sawirada:- Demba Ba oo si rasmi ugu biiray kooxda Chelsea

Dhaliye January 4, 2013 5

Waxaa Akhrisatay :1241
jw4x3ii2ktdk3k4tsf35

Jariirada kasoo baxda wadanka England ee lagu magacabo Indepedent ayaa shaaca ka qaaday in kooxda kasoo jeeda caasimada wadanka England ee Chelsea ay la soo wareegtay weeraryahankii hore ee kooxda Newcastle Demba Ba aduun dhan 7.5M .

Ciyaaryahankan kasoo jeeda wadanka Senegal ayaa saxeexay heshiis muddo dhan saddex sano iyo badh, kaaso la filayo inuu gashado nambarka 29, hadaba 27 jirkan ayaa la filaya inuu bilaabo difaaca garanka Blues ciyaarta FA Cup-ka ay la ciyaari doonan kooxda Southampton maalinta barri ee sabtida ah.

Weeraryahankan ayaa u sheegay shabakada Chelsea “farxadbadan ayaan dareemayaa imaanshiyaha koox wayn sida Chelsea oo kale, sharafbanay ii tahay inan funaanada chelsea gashado”

Waxa xusid mudan in Ba uu joogay kooxda Newcastle 18 bilood oo qudhiya, hakaaso uu dhaliyay 29gool intii u ciyaarayay kooxda Magpies, goolashaas oo ukala yimi 16 gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedki hore iyo 13 uu dhaliyay half-kii hore ee xilli ciyaareedkan isagoo rajaynaya inuu goolal ka badan sanadkii hore dhaliyo khaasatan marka uu u ciyaaro kooxda Chelsea.

0,,10268~11536223,00 0,,10268~11536267,00 jw4x3ii2ktdk3k4tsf35

5 Comments »

  1. Roscky January 4, 2013 at 2:25 pm - Reply

    Wan kaxumahay natijo darada nagasogartay cayaryahankan

  2. chelsea January 4, 2013 at 2:38 pm - Reply

    soo dhowoow sh.ba wax badAN AYAA LAGAA SUGAYAA WAXAY KU FIICNAAN LAHAY L.39

  3. axmed January 4, 2013 at 7:00 pm - Reply

    welcome

  4. bin madey January 5, 2013 at 6:15 am - Reply

    wel come the only muslim player in chealsea after anelka

  5. Xidiga wisil January 5, 2013 at 8:42 am - Reply

    Laacib sare adigaa dhalin doona 30 gool hadhoori weyn rag aan caadi ahay ayaa ku shaqaynaya ku xisaabtan damb ba

Leave A Response »