Waxaa Akhrisatay :119
Xidiga kooxa Roma Daniele De Rossi ayaa waxaa uu qaban doonaa maalinta beri ah shir uu kukala go’aamin doono halka uu mustaqbalkiisa uu sii ahaanayo oo ah inuu ku biirayo Machester City ama uu sii joogayo.
Kooxda Premiership haysata ayaa u kulul Xidaga Wadanka Taliyaaniga qadka dhexe ugu ciyaara lakiin Sport Mediaset ayaa kusoo waramaya inuusan De Rossi kuu biiri doonin City maadama uu isaga uusan rabin.
City ayaa diyaar u ah in €35million ay ku soo qaadato kabtanka kooxda Caasimada Dalka Taliyaaniga ka dhisan ee Roma waxaana ay damacsantahay in 29 jirkaan ay ka saxiixato afar sano oo heshiis ah.
Tabaraha kooxda Roma Zdenek Zeman ayaa shalay xaqiijiyay inuu lahadlayo Macalinka City Roberto Mancini kalana hadli doono mustqbalka Kabtanka Roma.
Daniele De Rossi ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Roma waxaa uu ku egyahay June 2017.










