Chelsea oo Lacago kaash ah ku doonayso Jackson Martinez.

Dhaliye December 9, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :646
Naadiga chelsea ayaa waxay sheegtay inay digtoonow u gashay weraryahanka kooxda FC Porto ee Jackson Martinez.

Kooxda Blues-ka Chelsea  ayaa waxay doonaysa weeraryahanka inay lasoo wareeegto bisha January waxaana warbaahinta Portugal ay sheegtay in naadiga Porto ay diyaar u tahay inay iibiso ciyaaryahankaas.

Jackson Martinez ayaa wuxuu yahay mid kamid ah xidigaha horumarka sameenaya xiligaan isagoo sagaal gool dhaliyay sagaalkii kulan ee ugu horeeyay xilligaan kooxda Porto uu u ciyaaray.

Xidigaan Jackson Martinez ayaa kusoo biiray kooxda FC Porto kadib markii ay kala soo wareegeen koox ka dhisan dalka Mexico oo lagu Jaguares.

Jackson Martinez ayaa ah weeraryahan awood leh xoogan oo caafimaad qaba waxaana chelsea ay doonaysaa inay ku xoojiso weerarkeeda oo soo yaraaday waxaana taas dar dar galinaya tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxdas.

Chelsea waxay tartan culus kala kulmaysaa kooxaha Atletico Madrid, Fenerbache, Inter Milan iyo PSG oo dhamantooda doonaya ciyaaryahankaan Jackson Martinez oo 26 jir ah.

Ciyaaryahanka caalamiga wadanka Colombia Jackson Martinez ayaa lagu qiimeeya lacago dhan 20 milyan oo gini wuxuuna jecel yahay inuu u soo dhaqaaqo horyaalka wadanka Ingiriiska.

 

One Comment »

  1. Bashka December 12, 2012 at 5:21 am - Reply

    Welcome to blues

Leave A Response »