Carlo Ancelotti ” Waa Been De Rossi Iyo Wesley Sneijder Lama Hishiin”.

Dhaliye December 11, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :293
Tababaraha kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaa gaashaanka u daruuray in uu hishiis la gaaray laacibiinta kala ah De Rossi iyo Wesley Sneijder  kooxdana uu keenayo marka suuqa kala wareega ciyaartooyda uu furmo .

 
Waxa uuna warkaan soo baxayaa xilli warbaahinta ay si weyn u qoreyso in labadaan laacib ee Roma iyo Inter ka tirsan ay qarka u saaran yihiin in kooxahooda ka huleelaan .

 

 

” labadaas laacib qorshaha nooguma jiraan mana soo wadno , halka laacibkadiirada noo saaran tahay uu yahay laacibka reer Prazil ee Locas Mora ee ma jiro laacib kale”ayuu sii raaciyay .

 
Kooxdaan hantiilayaasha reer Qadar ayaa si weyn u baadi goobeysa tiro ciyaartooy ah magac ku leh qaarada Yurub , waxaan jira tiro ciyaartooy oo u calaamadeysan.

Leave A Response »