Berlusconi”Robinho wuu badalay fikirkii Wuxuuna si joogaya kooxda.

Dhaliye December 9, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :302
Milkiilaha naadiga Ac Milan Silvio Berlusconi ayaa shaaca ka qaaday in Robinho uu badalay fikirkisa ahaa inuu ka tagaayo kooxda Ac Milan dibna ugu laabanaayo dalkiisa Brazil.

Weeraryahankaan ayaa lala xiririnayay inuu bisha January isaga tagaayo kooxda Ac Milan isla markaasna uu dib ugu laabanaayo dalka Brazil oo ay doonayan naadiyo ka dhisan dalkaas.

Kooxaha Santos,Flamango iyo Crinthians ayaa ku dagaalamaya Robinho waxaana jira in Ac Milan ay doonayso inuu lasii joogo ciyaaryahankaan.

“waxaa doonaya inuu sii joogo Robinho Halkan oo anaga nala joogo waa nin wanagsan oo leh farsamo cajaa’ib ah ayuu Silvio Berlusconi u sheegay Kanaalka ay Ac Milan leedahay xilli uu booqday xerada tababarka kooxda.

“aniga waa la hadlay Robinho wuxuu ii sheegay arrimo maskaxdiisa ku jiray anigana waa fahmay isagana waxaa filayaa inuu badalo maskaxdiisa isla markaasna uu sii joogo naadiga ayuu intaas raaciyay Silvio Berlusconi.

Hadalka Silvio Berlusconi ayaa lagu micneeyay in Robinho u xaqiijiyay Milkiilaha Ac Milan horeyna u ahaa Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga inuu sii joogaayo ciyaaryahanka.

 

Leave A Response »