Tuesday, October 17th, 2017

Bayern Munich oo Nasiib Daro Ku Tilmaamatay in Ribery uusan Ciyaari Karin Kulanka Man City.

Published on September 16, 2014 by   ·   No Comments   ·   1,502 Reads

Franck RiberyLaacibka reer France ayaa kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan bedel ku soo galay kulankii Bayern Munich ay 2-0 kaga badisay Stuttgart maalintii sabtida laakiin waxa uu seegay tababarkii axada waxaana uu seegi doonaa kulanka furitaanka u ah kooxda ee Champions League oo ay ciyaarayaan habeenka arbacada.

Xiddiga Bayern Munich Franck Ribery ayaa laga saaray kooxda ciyaareysa kulanka Champions League ee Manchester City ka dib markii uu dhibaato kala kulmay jilibka mar kale.

“Ribery kama qeyb qaadan doono tababarka ugu danbeeya ee kooxda”

“Dhakhtarka ayaa arkay isniintii waxaana uu sheegay inuusan ciyaari karin.” ayuu yiri macalinka Bayern Munich Pep Guardiola.

Guardiola ayaa si kasta sheegay in Arjen Robben oo dhaawac ku seegay kulankii sabtidii inuu taam yahay islamarkaana uu ciyaari doono kulanka Manchester City

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...