Waxaa Akhrisatay :1277
Kooxda Bayer Munich ayaa kula biirtay Manchester United doonista Ciyaaryahanka kubad qaabeeyaha Real Madrid Mesut Ozil oo u dhashay Germany.
Bayer Munich ayaa isku diyaarinaysa inay qal qaalo ugasho heshiiska Xidiga dhexe ee Real Madrid oo booska kooxdiisa rag kale ay isku hayaan.
Ozil ayaa todobaadkan sheegay inuusan Real Madrid ka tagi doonin uuna dagaal la gali doono Luka Modric iyo Kaka oo ay isku boos kawada ciyaaran.
Wargayska As ayaa sheegay in Bayer Munich ay lacag Fiican u sheegi doontaa Mesut Ozil oo Sidoo kale ay Xiisaynayso Manchester United.










