Bandhiga Kulanka Bacelona iyo Celtic

Dhaliye October 23, 2012 2

Waxaa Akhrisatay :822
Barcelona ayaa Caawa waxaa ay doonaysaa in guulaheeda isdaba jooga Champion-ka ay sii wadato in kastoo Koox adag ay hayso oo ah Celtic.

Laakiin dhibaatada Daafaac ayaa wali haysata Barcelona iyadoo todobaadkan ka bad baaday Ceebta ah in Shan gool ay dhalisay laga dhaliyo.

Gerard Pique iyo Carles Puyol ayaa dhaawac ugu Maqnaan doona Barcelona hasa ahaatee Raga qadka dhexe ayaa daafac lagu celin doonaa ee Alex Song iyo Javier Mascherano oo beryahan saaxib ku noqday Daafaca.

Odayga Qadka dhexe ee Xavi oo ciyaaray ciyaartii dhibka badnayd ee Deportivo ayaa laga yaabaa inuu kursiga kaydka fariisto,Martin Montaya ayaa sii ciyaari doona booska Daafaca Midig,Alves dhaawac ayuu u fadhin doonaa.

Celtic waxaa ay wayn doontaa Kris Commons laakiin waxaa la rajaynaya inay saftaan Mikael Lustig iyo Emilio Izaguirre

Barcelona ayaanan laga badanin Ciyaarteedii 17 aad ee Champions League oo gurigeeda ay ku ciyaarto,14 jeer ayay badisay,Sadaxna bar bardhac.

Ninka Gaaban ee Messi ayaa sanad Walba ka dhaliyo goolal 10  ilaa 11 gool iyo waxii ka dheeri ah waxaana Ninkan uu dhaliyay Champions League 53 gool,kaliya  Raul ayaa ka horeeya oo dhaliyay 71 gool iyo Van Nistelrooy oo 56 dhaliyay.

Kooxda Celtic ayaa ku guul daraysatay in gool ay dhaliyaan shan ciyaarood sagaal kulan oo ugu dambeeyay oo Champions League ay ciyaareen.

Qaab ciyaareedka Macquulka ah

 

BARCELONA

Valdes
Montoya, Song, Mascherano, Alba
Fabregas, Xavi, Iniesta
Alexis, Messi, Villa
CELTIC

Forster
Lustig, Wilson, Mulgrew, Izaguirre
Wanyama, Brown
Forrest, Ledley, Commons
Hooper

 

2 Comments »

  1. Xavi October 23, 2012 at 7:54 am - Reply

    Wa wax iska cad in ay badaneyso barcelona cawa waxey ku badine barcelona 3 1 messi villa

  2. Jasus (abidal) January 6, 2013 at 10:33 pm - Reply

    Barcilona be on happy

Leave A Response »