Monday, December 18th, 2017

Baba Rahman oo ku biiray kooxda Chelsea

Published on August 1, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,216 Reads

 

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay hishiis la gaartay ciyaaryahan u safta naadiga Augsburg oo lagu magacaabo Baba Rahman.

 

Xidigaan Baba Rahman ayaa ka ciyaaro daafaca dhexe waxaana lala xiriirinayay xilligaan inuu ku biirayo naadiga Chelsea kadib markii ciyaaro wanaagsan uu kasoo bandhigay kooxdiisa Augsburg xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

 

Baba Rahman oo 21 sanno jir ah ayaa la rumaysan yahay inuu ku biirayo Chelsea saacadaha soo socda kadib markii hishiis wada gaareen ciyaaryahankan iyo kooxda Chelsea.

 

Wargayska Bild ayaa qoray in naadiga Chelsea ay diyaar u tahay oo ay kula hishiisay kooxda ka dhisan dalka Jarmalka Augsburg lacago dhan 25 milyan oo Euro ama 17.5 milyan oo gini.

 

Baba Rahman ayaa u saftay 31 kulan kooxdiisa Augsburg xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga.

 

Magaciisa oo buuxa waa C/raxmaan Baba waa ciyaaryahan u dhashay dalka ku yaallo galbeedka Afrika ee Ghana wuxuu ka ciyaaraa daafaca bidix dambe wuxuu dhashtay 2-dii bishia July ama luulyo sanadkii 1994 dhererkiisa waa 1.79 mitir culeeskiisana waa 70 kg.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...