Tuesday, November 21st, 2017

Arsene Wenger oo duray xidiga reer Chelsea ee Hazard

Published on August 2, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,138 Reads

 

Arsene Wenger ayaa ku adkeydsanaya in Eden Hazard ay tahay in uu dheeshiisa ka dhigo mid joogta ah hadii uu rabo in loo arko mid ka mida kuwa ugu wanaagsan dunida.

 

Laacibka u dhashay dalka Belgium waxa uu u horseeday Cheslea hanashada Premier League-ga kal hore halka loo doortay xiddigii ugu wacnaa Premier League-ga.

 

Hase ahaatee, Arsene Wenger waxa uu aaminsanyahay in masaafo dheer ay uga harsantahay in Hazard lala meela dhigi Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

 

“Wuu go’aansan karaa kulamada, mar walbana ciyaarayahanda ceynkan oo kale ah heer sare ayaad ka dhigtaa, hadii ay go’aansan karaan kulamada iyaga oo wax cajiiba sameenaya,” ayey ka soo xigatay The Telegraph.

 

“Hazard qoladaas ayuu ka mid yahay. Laakiin in aad ka mid noqoto saddex ama labada hada dunida waalaya waxaan qabaa in ay u baahantahay joogteyn walina taas ma uu hayo.

 

“Waa aragtiyo. Waa in aad tirade is bar bar dhigtaa ciyaaryahanada sida Messi iyo Ronaldo oo wali dhalinaya 50 gool xilli ciyaareedlkii, taas dhab ahaantii waa wax aan inaba caadi ahayn.”

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...