Arsenal oo u muuqata inay waayi doonto Walcott.

Dhaliye December 9, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :623
Kooxda Arsenal ayaa Qatar ugu jirta inay lumiso ciyaaryahanka wadanka Ingiriiska Thio Walcott kadib hishiiskii kordhinta ay Arsenal doonaysay uu ku yimid hakad.

Tababaraha naadiga Arsenal Arsen Wenger ayaa sheegay  kadib markii kooxdiisa 2-0 ku badisay horyaalka Ingriiska in ay kooxda u soo dhaqaaqday kaalinta 6-aad kala horeeynta horyaalka Ingiriska ay  ku daalen sidi ay Theo Walcott ugu dhaadhicin lahaayeen inuu hishiiska u kordhiyo kooxda.

Ciyaartii shalay ay Arsenal la ciyaartay West Bromwich ayay guul deg deg ah ka gaartay iyadoo Arsenal natiijooyin aan wanaagsanayn soo bandhigaysay kulamdii ugu dambeeyay horyaalka.

Wenger wuxuu qiray inuu ku wareeray sidii uu ugu dhaadhicin lahaa Theo Walcott inuu saxiixo hishiis kordhin wuxuna dhamanayaa qandaraska uu kula jiro Arsenal dhamadka xilli ciyaareedkaan.

Wada hadalka ayaa u muuqanaya ama loo sababeenaya dib u dhaca ku yimid kadib xidiga oo dhaawacyo ay soo gaareen  waxaana Theo Walcott uu xur u yahay inuu hishis u saxiixo kooxdii uu doono.

Theo Walcott ayaa ah ciyaaryahanka ugu gool dhaliska badan Arsenal xilligaan wuxuu dhaliyay 10 gool waxaana ay taasi sababtay in wada xaajoodkii kooxdiisa kula jirtay ay sii xoojiso waxaana Arsenal ay culees kala kulmaysa naadiyada Liverpool iyo chelsea oo ciyaaryahankaan u gacan haatinaya isla markasna isaga aaminsan yahay inay taallo fursado guullo uu kagaaro horyaalka ingiriska.

Sidoo kale kooxda Man city ayaa xiisenayso Theo Walcott oo 23 jir ah kaas oo ay u aragto inuu yahay mid naadiga wax kusoo kordhin kara.

Theo Walcott ayaa haatan mushaaro dhan 75 kun oo gini ka qaata todobaadkii Arsenal wuxuuna dalbaday lacago ka bada n 100 kun laakin Arsenal aya u muuqata mid ka cago jiidayso arrinkaas.

Madaxa wada xaajoodka Arsenal Dick Law ayaa bishaan la hadlay Theo Walcott isla markaasna ay kawada hadleen sidii loo kordhin lahaa mushaarada uu haatan qaato.

Ciyaaryahankaan Theo Walcott ayaa walaaca ugu badan ee haysta uu yahay sidii uu ku heli lahaa boos joogto ah oo loo damaanad qaado maadaama ciyaaro badan kursiga keydka uu ka galay waayihiisa ciyaareed ee kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa waysay xilligaan ciyaaryahankii ugu gool dhaliska badnaa xiligii hore waa Robin Van Persie kaas oo ay la wareegtay Man utd.

 

One Comment »

  1. Nuurb December 9, 2012 at 9:06 am - Reply

    Theo Walcott hadow katago nadiga aniga isha farta iga geliya viva coquelin and gibbs

Leave A Response »